Banaan-bax ballaaran oo ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo

0

Dibad-bax uu soo qaban-qaabiyey maamulka degmada Gaalkacyo, isla-markaana ay ka qeyb-galeen shacab afar badan ayaa maanta ka dhacay gudaha magaaladaasi.

Waxaa dibad-baxayaasha ay isugu soo baxeen waddooyinka Gaalkacyo, iyaga oo taageero u muujiyey ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee howl-gallada ka wada Mudug.

Dibad-baxayaasha sidoo kale waxaa la hadlay mas’uuliyiinta maamulka Gaalkacyo iyo wasiiro ka tirsan Galmudug oo ka qeyb-galay dibad-baxa ka dhanka ah Al-Shabaab.

Gobolka Mudug ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ka dhacayey dagaallo iyo duqeymo diyaaradeed oo ka dhan ah xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here