Dagaal culus oo dib uga qarxay xadka ay wadaagaan Soomaalida iyo Canfarta

0

Dagaal ayaa markale saaka dib uga qarxay qarxay xadka ay wadaagaan labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Aaga colaadda hadda ka socoto ayaa kala ah agagaarka Biyacadde oo u dhaw Magaalada Cadheyti, Tuulooyinka Shakle iyo birta dheer oo dhanka magaalada Candhuufa ah iyo tuulada Qalacle oo aan ka fogeyn magaalada Garbaciise oo bil ka hor ay dagaal kula wareegeen maleeshiyaad Deegaanka Canfarta ka soo jeeda.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyooday dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan dagaalkaas dib uga qarxay xadka Soomaalida iyo Canfarta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here