MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa haatan ka socda dibad-bax ballaaran oo lagu taageerayo dhameystirka dastuurka KMG ka ah ee dalka.
Dibadbaxan oo ka billowday taalada Daljirka Daahsoon ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qayb-galaya shacab iyo mas’uuliyiin.
Sidoo kale waxaa la xiray dhammaan waddooyinka soo gala taalada Daljirka Daahsoon oo ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
Halkan hoose ka daawo:-