Wasiirka Maaliyadda oo kulan la yeeshay Ergayga gaarka ah ee QM

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan cige ayaa kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo uu wehliyo ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay, ahna Iskuduwaha Gargaarka Beni’aadannimada George Conway.

 

Kulanka oo Muqdisho ka dhacay ayaa looga hadlay guulihii maaliyadeed ee Soomaaliya ay dhowaan gaartay, oo ay ku jirto dakhli kordhinta, iyada oo loo marayo hannaanka dhijitaalka ah.

Wakiilka Gaarka ah ee QM Soomaaliya ayaa dib u xaqiijisay taageerada xooggan ee Qaramada Midoobay ee ajendaha dib-u-habeeynta dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here