Muqdisho – Barnaamijka “Garnaqsi” ee warbaahinta Shabelle Media Network, oo lagu qabtay xarunta warbaahinta Shabelle, ayaa waxaa ka qeyb galay dhalinyaro iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.
Barnaamijka ayaa waxaa marti ku ahaa xoghayaha xisbiga Madasha Mustaqbalka, col.Maxamed Aadan Koofi, kaas oo ka jawaabay su’aalo ay weydiinayeen ka qeyb-galayaasha kulanka.
Doodda ayaa si gaar ah diiradda u saartay mowduuca ah “Kutakrifalka Awoodda Dowladnimada iyo Kaalinta Mucaaradka”, iyadoo lagu falanqeeyay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorka ay mucaaradku ku leeyihiin.
Col. Koofi ayaa sheegay in mucaaradku ay door muhiim ah ka ciyaaraan jihaynta siyaasadda dalka, gaar ahaan xilliyada ay jiraan khilaafaad siyaasadeed. Wuxuu si gaar ah uga hadlay muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka iyo isbeddellada lagu sameeyay dastuurka ku-meel-gaarka ah.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka uu muran ka dhex abuuray dhinacyada siyaasadda, isagoo xusay in xukuumadda hadda jirta ay qaaday tallaabooyin ay mucaaradku dhaliilayaan.
Barnaamijka “Garnaqsi” ayaa ah madal lagu falanqeeyo arrimaha siyaasadda, bulshada iyo dowladnimada, iyadoo lagu casuumo siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo helo dood furan oo wax dhiseysa.
DAAWO.




