Muqdisho – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo kaashanaya ciidamada Uganda ee howlgalka African Union Support and Stabilization Mission in Somalia, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab kadib markii ay isku dayeen weerar ay ku qaadaan deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay in ka badan 40 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka tiro kalena lagu dhaawacay.
Sida lagu sheegay warbixinta, ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibka ah ayaa si buuxda uga hortagay weerarka, iyagoo gaarsiiyay khasaare xooggan kooxda.
Deegaanka Mubaarak ayaa ah goob istiraatiiji ah oo horraantii bishan laga xoreeyay Al-Shabaab kadib howlgal milatari oo ballaaran. Waxaa sidoo kale la sheegay in deegaankan hore loogu adeegsan jiray saldhigyo ay kooxdu ka abaabuli jirtay weerarro ka dhan ah Mogadishu iyo deegaanno kale.
Waqtigan xaadirka ah, waxaa Mubaarak ka socda dadaallo dib-u-dhis ah iyo furista waddooyin muhiim ah oo ay hore u xireen Al-Shabaab, si loo fududeeyo isu socodka iyo adeegyada bulshada.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka Ssoomaaliya ayaa sheegay inay sii xoojinayaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka loogana hortago weerarro kale oo ay kooxdu qorsheyn karto.




