Bashiir Goobe oo jawaab culus ka bixiyey eedeyntii taliyaha ciidanka Badda

0

MUQDISHO (SMN) – Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo haatan ah ninka ugu darajada sarreeya ciidamada Soomaaliya ayaa isaga oo ku sugan Baydhabo u jawaabay taliyaha ciidamada badda Cabdixamiid Maxamed Dirir oo weerar ku qaaday ra’iisul wasaaraha.

Bashiir Goobe ayaa marka hore wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka taliyaha, wuxuuna sheegay inuu uga cudur daarayo ciidamada qalabka sida iyo Ummadda Soomaaliyeed.

“Wax na qabta maaha, waana uga cudur-daarayaa ciidamada qalabka sida iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Bashiir Goobe.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay eedeynta ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha ee ka dhalatay ‘boob lagu hayo’ dhulka ciidanka badda, sida uu shaaca ka qaaday taliyey Cabdixamiid Maxamed Dirir.

“Waa dhul yar oo u dhaxeeya xeebta iyo safaaradda Turkiga, dhanka kalena waxaa ka xigay guryo ay degan yihiin saraakiil aan anigu ku jiro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here