Bashiir Goobe oo maanta loo dhaariyey xilkiisa cusub

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ee BJFS Ayaa shir Guddoomiyay Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo lagu dhaariyay wasiiru-Dowlaha cusub Wasaaradda howlaha guud ee uu shalay magacaabay Ra’isulwasaaraha Dalku.

Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ayaa ka qeyb galay Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu Ajendihiisu ahaa dhaarinta Mudane Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay wasiiru Dowlaha Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

waxaana Wasiiru-dowlaha halkaas ku dhaariyay Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax geesey oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka, iyadoo au goob joog ka ahaayeen Wasiirka Cadaaladda iyo Wasiirad Khadija Maxamed Diiriye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here