Bayle oo shaaciyey sababaha uu uga haray doorashada Golaha Shacabka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa shir ja’raaid oo uu maanta qabtay waxa uu ku sharraxay sababta uu ku waayay kursiga xildhibaanimada oo uu muddo ku fadhiyay, kaas oo maanta loo doortay Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib, kadib doorasho ka dhacday Muqdisho.

Bayle oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kursigiisa uu ku waayay arrimo badan oo ku saabsan howlaha miisaaniyda oo uu iska diiday.

“Waxaan doonayaa inaan dadka Soomaaliyeed la wadaago aniga waxaan runtii halkaan u jooga inaan maamulo miisaaniyadda dalka, xildhibaan haddii uusan wasiir la socon kolayba aniga ma joogeen, sharaf weyn ayey ii tahay inaan xildhibaan ahaado laakiin haddaan tayda ka hadlo miisaaniyadda iyo dhakhaalaha dalka inaan u maamulo si sharciyeysan ayaan jooga.” Ayuu yiri wasiir Bayle.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in sida hufan ee uu shaqadiisa u wato ay sababtay inuu ku waayo dad badan oo ay asxaab ahaayeen.

“Waxwalba oo carqalad yar u keenaya habsami u socodka maaliyadeed anigu waan iska leexiyay, marka si ayaan u arkay in kursigii iyo maaliyaddii ay isku taabanayaan.” Ayuu wasiirka raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here