Xildhibaano cusub oo lagu doortay magaalada Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta dib uga bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha gobollada waqooyi.

Khadra Maxamuud Raage ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop 247ee Golaha Shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Axmed Suge ayaa isna ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop 245 ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kursiga saddexaad ayaa waxaa isna loo doortay Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo afartii sano ee lasoo dhaafay ahaa Senator ka tirsanaa Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Dhammaan xubnaha soo baxay ayaan gelin tartan adag, waxaana u tanaasulay musharixiinta kula tartami lahaa kuraasta ay ku guuleysteen.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here