MUQDISHO – Dedaallo ballaaran oo ay hormuud ka yihiin diblomaasiyiinta reer galbeedka ayaa dib uga billowday caasimadda dalka ee Muqdisho, kuwaas oo loogu jiro xallinta ismari-waaga siyaasadeed ee la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ay kulan muhiim ah la yeelatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Kulankan ayaa qayb ka ah qorshe ay Beesha Caalamku ku doonayso in dib loogu soo celiyo wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka (DFS) iyo Saamilayda Siyaasadda ee Mucaaridka.
Sida ay wararku sheegayaan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey diblomaasiyiinta caalamiga ah in uu diyaar u yahay in uu miiska wada-hadalka la fariisto dhinacyada tabashada qaba.
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka oo ka mid ah xoogagga mucaaridka dalka, ayaa qaaday tallaabo loo arko dhiiragelin weyn, iyagoo hakad geliyey qorshayaashoodii iyo dhaqdhaqaaqyadii ka dhanka ahaa dowladda federaalka, si fursad buuxda loo siiyo dib u billowgiga wada-hadallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.
Dedaalkan Beesha Caalamka kuma eka oo kaliya magaalada Muqdisho; mas’uuliyiin sar-sare oo ka socda saaxiibada caalamiga ah, oo uu ku jiro Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa la filayaa in ay toddobaadkan gudihiisa safar ku tagaan magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.
Booqashadan loo qorsheeyey Puntland ayaa ujeeddadeedu tahay in maamulkaas lagu qanciyo in uu qayb ka noqdo wada-hadallada guud ee qaranka, maadaama Puntland ay horay u muujisay tabashooyin xooggan oo ku aaddan hannaanka siyaasadeed iyo wax-ka-beddelka dastuurka ee dalka.
Tallaabooyinkan is-daba-joogga ah ee ay qaaday Beesha Caalamka, ayaa muujinayaan in Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaridka, ayaa rajo weyn ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed, iyadoo loo arko dhabe cusub oo dalka u horseedi kara xasilooni siyaasadeed iyo doorasho lagu wada qanacsan yahay.




