Beesha Caalamka oo war cusub kasoo saartay doorashooyinka dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Beesha Caalamka ayaa war saxafadeed kasoo saartay walaaca iyo cabashada laga muujinaayo doorashooyinka Golaha Shacabka, iyagoona dalbaday in doorashada ay noqoto mid daahfuran oo ay ku kalsoonaan karaan dhamaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku baaqaynaa in daah-furnaan buuxda loo sameeyo dhammaan geeddi-socodyada la xiriira, oo ay ku jiraan magacaabista guddiga soo xulista, xulasta ergada, diiwaangelinta musharraxiinta, kuraas u xirirsta haweenka musharraxiinta ah, si loogu hoggaansamo qoondada boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyey, iyo maareynta lacagaha musharraxiinta. Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa guddiyada doorashada inay fududeeyaan korjoogeynta dhammaan hawlaha goobaha cod bixinta” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday howlwadeenada doorashada iney tixgaliyaan xaqa Musharaxiinta ay u leeyihiin iney isku soo taagaan iney tartamaan oo ay doorashada ka qeyb noqdaan.

“Waxaan ku baaqaynaa in la tix geliyo xaqa ay musharixiinta u leeyihiin in ay isu soo taagaan doorashada iyadoo la marayo jawi ku dhisan tartan dhab ah oo xalaal ah” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka.

War saxafadeedkan kasoo baxay beesha Caalamka ayaa imaanaya xili ay sii kordhayaan walaaca iyo cabashada laga muujinaayo hanaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka oo la sheegayo iney tahay mid aanan daah furneen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here