Puntland oo ku adkaysatay inuu xilka wareejiyo taliyaha ciidammada PSF

0

GAROOWE (SMN) – Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa ku adkaystay in xilka uu wareejiyo taliyaha ciidammada la dagaallanka argagixisada ee Puntland ee loo soo gaabiyo PSF.

Cabdisamad Maxamed Gallan oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in aanay jirin waddo kale oo u furan hoggaanka hay’addaasi.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Arbacadii hadal qoraal ah oo la soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay ciidanka PSF lagu diiday taliye cusub oo uu soo magacaabay madaxweynaha puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Illaa hadda war kale lagama hayo dhinaca hoggaanka sare ee ciidamada PSF.

Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdisamad Gallan ayaa shirkiisa jaraa’id kaddib waxa uu u warramaya weriye Maxamed Xasan Dhalo oo oo marka hore waydiiyay arrimihii uu shirka kaga hadlay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here