BF Somalia oo soo gabagabeeyay dooda cutubka 4-aad ee dastuurka + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 29-aad ee Labada Aqal ee BJFS. Kulanka Guddoomiyaha waxaa ku wehliyay kuxigeenada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad.

 

Ajanadaha kulanka maanta oo ahaa sii-wadida dooda madaxyada 3-aad iyo 4-aad oo ku jira cutubka 4-aad ee wax-ka-bedelka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna Xidhibaannada aragtidooda ka dhiibteen qodobadii ka harsanaa dooddii madaxyada 3aad iyo 4aad ee cutubka afaraad.

Dooddan afarta cutub ee soo bilaabatay 12, Febraayo 2024, socotayna in kabadan 40 maalmood ayaa inta badan Xildhibaanada iyo Sanatarrada labada Aqal ka yeesheen dood adag oo isugu jirta sixid, tirid, siiqayn iyo su’aalo waydiin guddiyada soo diyaariyay soojeedintan.

Guddoomiyaha Guddiga La-socodka Wax-ka bedelka Dib-u-eegista Dastuurka Xil. Xuseen Iidow oo dooda ka dib ka hadlay soo jeedimaha Xildhibaannada ayaa mid mid u dul istaagay qodobadii ay  aragtidooda ka dhiibteen Xildhibaannada iyo Senatorrada  ee Baarlamaanka 11aad, isagoona sharxay qodob kasta faqraha uu ka koobnaa.

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Dib-u-eegista Dastuurka Burhan Aadan Cumar, oo Xildhibaannada aragtooda dhiibtay u soo bandhigay qaab qoraal ah, isagoona dulmar kooban ku sameeyay Xildhibaan kasta aragtida uu ka dhiibtay qodobadii iyo faqradihii ku qornaa cutubka afaraad ee dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka soo xiray fadhiga maanta ayaa  sheegay in dooda cutubka 4-aad uu inta ku egyahay, isla-markaana Guddiga Dastuurka looga baahanyahay in ay soo khulaaseeyaan soo jeedimaha Xildhibaanada.

       

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here