MUQDISHO – Bixinta kaararka codbixinta ee doorashada qof iyo codka ayaa saaka si rasmi ah uga billaabatay magaalada Muqdisho, iyadoo dadweyne badan ay aroortii hore u dareereen xarumaha diiwaangelinta si ay u qaataan kaarkooda.
Duqa Muqdisho, Muungaab, oo ka hadlay bilowga hawlgalkan, ayaa sheegay in maanta ay tahay “maalin weyn” oo muhiim u ah mustaqbalka maamul daadejinta caasimadda.
“Saakay waa maalin wayn. Muqdisho waxa ka bilaabanayso qaadashada kaarka codbixinta. Shacabka Muqdisho waxaan ugu baaqayaa in ay si buuxda u qaataan kaarkaasi,” ayuu yiri Muungaab.
Doorashadan oo ka dhici doonta dhammaadka bishan ayaa lagu dooran doonaa guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Duqa Muqdisho, taas oo noqonaysa doorashadii ugu horreysay ee noocan ah ee si toos ah uga dhacda caasimadda muddo sanado ah.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in hawsha bixinta kaararka ay ka socon doonto dhammaan degmooyinka, isla markaana la hubinayo amniga iyo habsami u socodka diiwaangelinta.
Shacabka caasimadda ayaa lagu boorriyay inay ka faa’iideystaan muddad kooban ee la siiyay qaadashada kaarka, si ay codkooda ugu adeegtaan doorashada soo socota.




