Booliska gobolka Hiiraan oo war cusub kasoo saaray qaraxyadii Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Taliyaha qeybta Booliska gobolka Hiiraan, G/sare Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in ciidanka booliska ay wadaan baritaanno la xiriira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii la shaqeynayay kooxahii ka dambeeyay weerarradii xalay ka dhacay  Baledweyne.

Col. Isaaq Cali ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan ciddii soo maleegtay iyo halka laga soo abaabulay, wuxuuna intaas ku daray inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku hor keeni doonaan caddaaladda.

Dadkii ku waxyeelloobay qaraxyada ka dhacay Baladweyne ayuu sheegay inay kor u dhaafayaan 30 qof welina ay wadaan baaritaanno, si loo ogaado tirada inta ay gaarayaan dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay weerarrada.

Ugu dambeyn taliyaha qeybta Boliiska gobolka Hiiraan ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ka codsaday in dhaawacyada sida ay u kala culusyihiin la qiimeeyo, wixii aan wax laga qaban karina loo qaado Muqdisho si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here