QM oo si kulul u cambaareysay dilkii xildhibaan Aamino Maxamed

0

MUQDISHO (SMN) – Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay qaraxyadii xalay gilgilay Beledweyne, kuwaas oo  mid ka mid ahaana lagu dilay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

QM ayaa sheegtay inay si kulul u cambaareyneyso weeraradaas oo lagu dilay Aamino iyo dad kale oo isugu jiro askar, shacab iyo xildhibaan hore Xasan Cali Cabdi Dhuxul.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed iyo dadkii kale ee xalay ka dhacay magaalada Beled Weyne,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay QM.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh loogu diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen halkaasi, kuwaas oo gaaraya illaa 20 qof.

“Waxa ay ka tacsiyeynaysaa dilkaas, waxa ayna Qaramada Midoobay soo dhowaynaysaa in baaritaan lagu sameeyo falkaas foosha xun, iyadoo ku baaqeysa in hannaanka doorashada dalka lagu soo gabagabeeyo si nabad ah oo ammaan ah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here