Booliska oo soo qabtay Nin Muqdisho ku gowracay wiil uu adeer u yahay

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Booliska ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu gowracay wiil yar oo uu adeer u yahay, kaas oo ahaa sideed sano jir.

 

Booliska oo howlgal ka sameeyay degmada Xamarjajab oo ah halka ay dhacdadu ka dhacday ayaa sheegay in eedeysanaha ay ku hayaan baaritaano dheeraad ah.

“Ciidanka Booliiska Saldhiga Degmada xmar-Jajab ayaa galabta qabtay nin gowracay Wiil  uu adeer u ahaa, falkaan ayaa dhacay Abaaro 5:40pm waxa uuna ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab” ayaa lagu yiri qoraalkasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lagu sii daray warsaxaafadeedka “Wiilka ayaa da ahaan jiray 8 sanno, Eedeysanaha falka geystay ayaana hada ku jira gacanta Ciidanka Booliiska, waxaana socda baaritaan. Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh”.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here