Booliska oo soo qabtay rag ku howlanaa buufinta mootooyinka A iyo B + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Howl-gal ay Sameeyeen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Gacanta loogu Soo Dhigey Eedeysanayaal xili ay Gacan Kula Jireen Sameynta Calaamada A iyo B ee Mooto bajaajka Taas oo Baal Marsan Sharciga.

 

Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa Maanta ay taariikhda Tahay 09-05-2024 abaaro 1845hrs Ama 0645pm. Ay Howl-gal ka sameeyeen Degmada Dharkeenlay Gaar ahaan Waaxda 2.aad Waxay Gacanta Kusoo Dhigeen 5 Eedeysane oo ku guda Jirey Buufin Mootooyin Sharcidaro ah iyo Garaash Lagu Buufiyo Moota bajaajta Sharciga waa faqsaneyn . .

Eedeysanayaashaas Oo Kala ah :-

1. Maxamed Xasan Xuseen Ina Xaawo Ibraahin Cabdi 50 jir ah

2. Max’ed deeq Axmad Cabdi Ina Canab Cali Maxamed 23 jir ah

3. Cabdiqani Maxmed Xasan Ina Maryan C/laahi Cabdi 28 jir ah

4. Xuseen Deeq Maxamed Ina Xaliimo. Xasan. Nuur 17 jir ah

5. Ibraahin C/Qaadir Maxamed Ina Ijaabo C/casiis. C/dulle 24 jir ah

Sidoo kale Eedeysanayaashaan ayaa Kala Wareejiyo Taargada Moota bajaajta ayagoo 1 Taarga u isticmaala Dhowr Mooto Bajaaj .waxaana Goobtaas laga soo Helay taargooyin Tira badan

Eedeysanayaashaan ayaa Isugu jira Milkiilaha Garaashka, Farsamayaqaanada buufinta iyo Milkilayaasha Mootooyinka labuufinaayey ,

Sida ay cadeeyeeen Shaqadaan waxay ku jireen in muddo ah waxay mootooyinka u kala wareejinjireen Calaamadaha Dowlada Hoose si Sharciga Baal marsan

Wali Waxaa kusocda Baaris Marka ay idlaatana Waxaa la horgeyndoonaa Maxkamada Awooda u leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here