Hay’adda SoDMA oo gargaar kala wareegtay Imaaraadka Carabta

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa kulan la qaatay Safiirka Isku-tagga Imaaraadka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

 

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii dowladda Imaaraadka Carabta ay uga qayb qaadan lahayd sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa qoysaska ay dhibaatada xooggan kasoo gaartay roobabkii Gu’ga ayaa, xilli ay weli jirto cabsi la xariirta in fatahaaddo hor leh ay dhici karaan.

Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa ugu danbeyn guddoomiye Maxamuud ku wareejiyay 7,000 kun oo kartoon oo cuntada maalinle ah iyo 1,000 teendho kuwaas oo loogu tallagalay in la gaarsiiy dadka danta yar si dib u dejin loogu sameeyo dhawaana ay hay’adda SoDMA ka qaybin doonto goobaha ugu daran.

Safiir Axmed ayaa sidoo kale la wadaagay guddoomiyaha sida ay uga go’an tahay dowladdiisa garab istaagga shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed intaba, waxa uuna ballan qaaday in ay sii labo jibbaari doonaan gurmadka loogu tallagalay dadka ay waxyeelada kasoo gaartay abaarta iyo fatahaadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here