Booliska Soomaaliya iyo Interpol oo soo qabtay eedeysane baxsad ahaa

0

MUQDISHO (SMN) – Booliska Soomaaliya iyo booliska adduunka ee Interpol oo iskaashanaya ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Zakariye Cali Axmed Cosobow oo loo haysto dilka Xiddigle Cali Xasan Siyaad oo ay ka wada tirsanaayeen booliska Soomaaliya.

 

Eedyesanaha oo u baxsaday dalka South Sudan ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay booliska caalamiga ah ee Interpol, waxaana lagu soo dajiyay garoonka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa isla goobta eedeysanaha kula wareegtay xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, si kiiskiisa iyo dacwaddaba loo guda-galo.

Afhayeenka booliska Sadiiq Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Zakariye uu ku eedeysan yahay ‘dil bareer ah’ oo ka dhacay Dayniile 28-ka bishii Julay 2022.

“Ujeedku wuxuu ahaa in qof kasta oo fal dambiyeed noocan oo kale ah dalka ka geysta in meel kasta laga soo qaban karo” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Soo qabashada eedeysanaha ayaa qaadatay ku dhowaad sanad, maadaama uu dalka dibadiisa u baxsaday, markii uu falka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here