Booliska Soomaaliya oo ka hadlay qarixii maanta ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay qarixii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa shaaciyey in qaraxaasi uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday gawaari ku sugneyd afaafka hore koontarool ku yaalla wadada aada dhanka garoonka Aadan Cadde.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa shaaca ka qaaday in bartilmaameedka uu ahaa gaari uu watay Generaal Garabey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo xilligaas ku sugnaa goobta, wuxuuna sheegay inuu ka bad-baaday qaraxaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weerarkan ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 7 qof oo shacab u badan, kuwaas oo la geeyey qaar ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Qaraxan ay qayb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha caasimadda oo ay haatan ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here