Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

KISMAAYO (SMN) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururka 5aad Guutada16 Ee Kumaandoska Danab ee Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Ceelcade Oo qiyaastii 30-km u jira magaalada Kismaanyo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa intii uu socday waxaa Lagu Dilay 11 ka tirsanaa Al-Shabaab, iyada oo gacanta lagu soo dhigay 2 kale.

Sidoo kale ciidamada Danab ayaa howlgalkan kusoo furtay  6 Qoray oo ah Ak47 iyo 1 Qori BKM ah Sida uu Warbaahinta u Warbaahinta u xaqiijiyey Taliye Carab dheeg Axmed oo ah Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga dalka Somaliyeed ee Danab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here