MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Ciidamada Booliska Saldhiga Degmadda Xamarweyne ayaa goordhow xiray Agaasimaha Guud ee Shabakadda warbaahinta Shabelle Abuukar Sheekh Maxamuud Abuukar SKY.
Agaasimaha ayaa looga yeeray Saldhiga degmada Xamarweyne kadibna ciidamada ayaa xabsiga dhigay
Waxyar ka hora yay ahayd markii agaasime ku xigeenka Shabelle Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane Ciidamada Booliska ay dhigeen xabsiga saldhiga degmada Xamarweyne kadib markii loogu yeeray Su”aalo weydiin.
Gudoonka Sare ee Warbaahinta Shabelle ayaa si adag u cambaareenaya xariga Agaasimahga iyo ku xigeenkiisa iyaga oo dalbanaya in si shuruud la”aan ah loo sii daayo.




