MUQDISHO – Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, kaddib markii siddeed nin oo hubeysan ay fuuleen markabka, gacantana ku dhigeen, sida ay sheegtay Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO).
UKMTO ayaa digniin ay soo saartay ku sheegtay in dhacdadu ka dhacday qiyaastii 4 mayl-badeed dhinaca koonfurta Soomaaliya.
Sida lagu sheegay warbixinta, sarkaalka amniga shirkadda markabka ayaa sheegay in siddeed qof oo hubeysan oo aan loo fasixin ay fuuleen markabka, kaddibna ay la wareegeen gacan-ku-hayntiisa.
UKMTO ma aysan shaacin cidda iska leh markabka.
Burcad-badeednimadu waxay si weyn uga jirtay xeebaha Soomaaliya intii u dhexeysay 2008 iyo 2018, balse dhacdooyinka noocan ah ayaa hoos u dhacay.
Si kastaba ha ahaatee, weerarrada iyo afduubyada maraakiibta ayaa mar kale soo kordhay dhammaadkii 2023, xilli ay sare u kaceen xiisadaha amni ee gobolka.
Warbixintan ayaa imaanaysa xilli xeebaha Soomaaliya ay mar kale wajahayaan walaac la xiriira soo noqoshada falalka burcad-badeednimada iyo afduubka maraakiibta.



