BAYDHABO, Soomaaliya — Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ciidamo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta u soo dirtay magaalada Baydhabo, tallaabadaas oo ay ku tilmaameen mid halis ku ah amniga iyo xasilloonida magaalada.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa shalay oo ay taariikhdu ahayd 17-ka Agoosto ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamadan oo wata hub iyo rasaas ay soo galeen gudaha magaalada, iyadoo maamulku uu ku eedeeyay dowladda in ciidankan loo adeegsanayo cabsi-gelinta shacabka iyo abuuridda jawi qalqal ah.
Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa si adag u beeniyay wararka lagu baahiyay baraha bulshada ee sheegaya in Ciidanka Daraawiishta ee maamulku ay weerar ku yihiin magaalada Baydhabo. Waxay ku tilmaameen wararkaas inay yihiin marin-habaabin ay ka dambeeyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo looga golleeyahay in lagu kiciyo shacabka.
Maamulku wuxuu caddeeyay in ciidamadooda ay heegan buuxa ku jiraan si ay uga jawaabaan tallaabo kasta oo halis gelin karta amniga magaalada. Waxay ugu baaqeen shacabka Baydhabo inay isdejiyaan, ka fogaadaan wararka aan sal iyo raadka lahayn, isla markaana ay kala shaqeeyaan laamaha amniga ilaalinta kala dambeynta.
Xiisaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed iyo mid dhanka amniga ah oo muddooyinkii dambe u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, taas oo saameyn ku yeelatay wada-shaqeyntii labada dhinac. Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyn ku celisay ballanqaadkooda ah inay difaacayaan shacabka iyo xasilloonida magaalada Baydhabo.



