Buuq xoogan oo hareeyay kulan ay lahaayeen xildhibaanada Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Garoowe ayaa kasii dareysa, taas oo ka dhalatay muranka doorashooyinka ee u dhexeeya xukuumadda iyo mucaaradka.

 

Kulan xasaas oo ah maanta la haayeen xildhibaanada baarlamaanka Puntland kusoo dhammaadya  buuq iyo gacaan qaad, ka dib markii xildhibaanadu ay si adag isugu khilaafeen meel marinta xeerka wax ka beddelka doorashooyinka maamulkaas.

Wararka ayaa sheegaya in hoolka uu qabsaday sawaxan, waxaana la arkayay xildhibaano careysan oo isku fara baxsanaya, taas oo keentay in kulanka lagu kala kaco.

Arrinta ay isku qabteen xildhibaanada ayaa timid kadib markii xubnaha guddiga xildhibaanada ah ee loo xil-saaray xeerka doorashooyinka ay soo jeediyeen in dib loo dhigo meel marintiisa, sababo la xiriira ammaanka, gaar ahaan xiisadda ka taagan Garoowe.

Sidoo kale qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada oo si carro leh uga hadlay arrintan ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka inuu afduubtay golaha, isla markaana u uku tumanayo shuruucda u degsan Puntland.

Ugu dambeyn waxaa dooda soo farageliyay guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo shaaciyay in meel-marinta xeerkan dib loo dhigo illaa xaadda, waxaana kadib sidaas kusoo xiray kulankii ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here