Cabdi Xaashi oo wada-hadal la yeeshay safiirka dalka Qatar + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xasan bin Xamze Haashim.

Danjiruhu wuxuu Guddomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha iyo Danjiruhu waxaa kale ooy ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada Dal, in Dowladda Qadar kaalin mug leh ka qaadato gurmadka abaaraha ba’an ee haatan ka jira dalka, iyo sidoo kale in la dhiso xiriir wax tar leh oo wada shaqayneed oo ay wada yeeshaan Golayaasha Sharci dejinta ee labada Dal.

Kulanka waxaa kale oo goobjoog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cali Maxamed Jaamac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here