Cabdikariin Xuseen Guuleed oo boggaadiyey dadaalka Rooble

0

Madaxweynihii hore ee Galmudug, haatana ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo Muqdisho ka furmaya 20-ka bishan.

“Shirka loo madlan yahay 20ka bisha oo ah shir ay dhamaan bulshada Soomaaliyeed iyo beesha Caalamkuba ka dhursugayaan inuu soo afmeeri doonno khilaafaadkii iyo kala aragti duwanaashahii hareeyay qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah, shirkaas ayaan waxaan u rajeynayaa inuu guuleysto, ayna ka soo baxaan go,aano horseedi kara in dalka ay ka dhacdo doorashadii mudada dheer la sugayey,” ayuu Cabdikariin Guuleed ku yiri qoraal uu soo saaray.

Isagoo kula taliyey dhammaan dhinacyada inay muujiyaan dabacsanaan ayuu qoraalkiisu intaas ku sii daray, “Waxaan rajeynayaa in dadaalada Raisuwasare Rooble iyo xukuumaddiisa ee ku aadan najaxinta shirkaas iyo qabashada doorasho hufan ay mirro dhalaan. Anigoo dhicyadeena oo idilna ku boorinaya in la muujiyo dabacsanaan iyo tanaasul suurto galin kara qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah laguna kalsoonaan karo hufnaanteeda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here