Wararkii ugu dambeeyey qaraxii xalay ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo xalay ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhashay mooto Bajaaj, sida uu shaaca ka qaaday maamulka gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Cabdiraxmaan Cali Diiriya Isxal oo ah guddoomiyaha gobolka oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in qaraxan oo loo adeegsaday mooto Bajaaj ay ku dhinteen is-miidaamiyihii isku soo xiray walxaha qarxa, labo nin kale oo la socotay iyo wadihii mootada.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray shacabka ku dhaqan koonfurtadegmada Gaalkacyo, isaga oo ugu baaqay inay saraakiisha laamaha ammaanka kala shaqeeyeen sugida amniga ee magaaladaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana ciidamada ammaanka ee Galmudug ay howlgallo amni xaqiijin ah qaraxa kadib ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here