Cabdikariin Xuseen Guuleed oo war cusub kasoo saaray xiisadda Badda

0

MUQDISHO (SMN) – Cabdikariin Xuseen Guuleed madaxweynihii hore ee Galmudug, haatana ah ergeyga gaarka ee wada-hadallada DFS iyo Somaliland ayaa war cusub kasoo saaray damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.

 

Ergeyga ayaa sheegay in heshiiskan lagu soo aadiyay xilli xasaasi ah, isla markaana lagu majaxaabinayo wada-hadalladii dhowaan u billowday DFS iyo Somaliland.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ujeedka kale ee laga leeyahay uu yahay in lagu kala dhan-taalo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa yimid kadib kulankii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo dhowaan isku arkay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo ay ku yeesheen shir lagu sii amba qaadayo wada-hadallada Muqdisho iyo Hargeysa.

Si kastaba, waxaa arintaas kasoo daba maray heshiiska badda oo xiisad cusub ka dhex dhaliyay DFS, Itoobiya iyo xittaa Somaliland oo iyadu 20 KM oo kamid ah baddeena u saxiixday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here