Nin mindi ku hubeysan oo dil ka gaystay duleedka magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wararka laga helaya duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa, kaas oo xilliga la dilayay ka yimid goobaha jir dhiska ee loo yaqaano GYM-ka.

 

Ninka dilka gaystay oo ku hubeysnaa mindi ayaa la soo wariyay in uu wadnaha kaga dhuftay marxuumka, kaas oo isla goobta ku geeriyooday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ninka dilka gaystay uu goobta isaga baxsaday, waxaana haatan socda dabagal ay ku haya ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan ehellada marxuumka, ayada oo sidoo kale si aad ah looga hadal hayo baraha bulshada ee Internet-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here