Cabdinaasir Shirwac oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#004

0

BELEDWEYNE (SMN) – Kursiga Hop#004 ee deggan dorashadiisu tahay Beledweyne oo ay ku tartameen illaa iyo 5 musharax ayaa ugu dambeyn waxaa ku soo baxay mudane Cabdinaasir Xaaji Shirwac Maxamed kadib markii uu helay codad dhan 61 cod.

Tartanka kursiga oo ay ku loolameen musharixiinta kala ah

  1. Mudane Cabdi Daahir Cismaan
  2. Mudane Cabdinasir Xaaji Shirwac Maxamed.
  3. Bilan Bile Maxamed
  4. Faarax Salaad Dharaar.
  5. Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Wareegga 2-aad waxaa u gudbay Cabdinaasir Xaaji Shirwac Maxamed iyo Bilan Bile Maxamed, waxaana kursiga tirsigiisu yahay Hop004 ku guuleystay ugu dambeyn Mudane Cabdinaasir Xaaji Shirwac oo helay 61 cod, halka Bilan Bile Maxamed ay heshay 40 cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here