Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay degmada Dayniile + khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari uu saarnaa Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle) oo ahaa Maamulihii Iskuulka Dayniile.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay maamulaha, iyada oo ay maydkiisa goobta kasoo qaadeen ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya maamulka degmada Dayniile iyo saraakiisha amniga oo ku aadan qaraxaasi.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa lagu dilay Marxuum Daahir Digdigle, waxayna shaacisay inuu ka tirsanaa ergada soo xushay xildhibaanada cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here