Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo dib loogu doortay Golaha Shacabka

0

BELEDWEYNE (SMN) – Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga HOP#011, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa helay codad gaaraya 55 cod, halka musharixii la tartamayey Maxamed Tuure uu isna helay 46 cod, sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee HirShabelle.

Kursigan ayaa xalay u baaqday qaraxyadii ka dhacay magaalada Beledweyne, waxaana dhamaan ergada ay soo xirteen maro gaduudan oo lagu muujinayo Tacsida dadkii dhintay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here