Cali Guudlaawe oo shaaciyey tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii Beledweyne

0

JOWHAR (SMN)  – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa si adag u cambaareeyay weeraradii xalay ka dhacay magaaladaasi.

Cali Guudlaawe ayaa u tacsiyeeyay ehelada iyo qaraabada Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, Masuuliyiinta iyo shacabkii ku nafwaayay weeraradaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyey in qaraxyadaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 48 ruux halka 108 ruuxna dhaawac uu soo gaaray.

Ugu dambeyn wuxuu amray Maamulka Gobolka Hiiraan & laamaha amniga inay adkeeyaan amaanka, baaris dhameystirana ku sameeyaan weeraradii cuslaa ee xalay dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here