Cabsi xoogan oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan waxaa laga cabsi qabaa in Wabiga Shabelle uu fatahaad gaysto, taas oo saameen ku yeelan karto dadka deegaanka.

 

Guddoomiyaha deegaanka Fiidow ee gobolka Hiiraan oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in cabsi xoogan ay ka jirto deegaankaas, maadaama uu sii buuxsamayo wabiga.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay soo gaartay digniinta Hay’adda SoDMA, isla-markaana ay sameenayaan dadaal intii ay kari karaan.

Inta badan Wabiga Shabelle ayaa ku fataha deegaanada uu maro iyada oo fatahaadaasi ay saameen ku yeelato dadka deegaanka iyo beeraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here