Dab khasaare hantiyeed gaystay oo ka kacay suuqa magaalada Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Wararka saaka laga helayo magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in xalay dab xoogan uu ka kacay suuqa Hantiwadaag ee magaaladaasi.

 

Dabka ayaa la sheegay inuu baabi’iyay qaybo fara badan oo ka mid ah suuqaas, waxaana la sheegay inuu ka billowday Foorno lagu sameeyo Buskudka iyo Xalwada.

Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka dab damiska uu soo daahay, taasna ay keentay in dabka uu ku fido goobo horleh oo ganacsi.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkan, balse waxaa jira bubur soo gaaray  suuqa oo ay khasaare kala kulmeen ganacsatada.

Dhowaan ayay aheyd markii uu isla suuqa Jowhar uu sidaan oo kale dab uga kacay, kaas oo ka dhashay koronto, isla-markaana gaystay khasaare hantiyeed oo xoogleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here