Cali Guudlaawe oo Jowhar ku qaabilay madaxdii ka tegtay Beledweyne

0

Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas iyo wafdi uu hogaaminayay oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar Caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Beledweyne, halkaas oo ay kulamo kula yeelanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Hiiraan.

Wafdiga ka yimid Beledweyne ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee magaaladaasi, maadaamo la galayo doorashooyin heer federaal ah.

HirShabelle ayaa la filayaa inay guda-gasho doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya, taas oo qaban-qaabadeeda ay ka socoto magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here