Ra’iisul wasaare Rooble oo 48 saac u qabtay agaasimaha hay’adda NISA

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag kaga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo NISA ay shaacisay inay dileen xoogaga Al-Shabaab.

Rooble ayaa sheegay in aan lagu qanci karin xogtii Hay’adda Nabad Sugidda, loona baahanyahay caddeymo dheeraad ah.

Sidoo kale waxa uu  faray agaasimaha guud ee NISA in uu 48 saac gudohood ku soo gudbiyo warbixin dhammeystiran oo ku aadan kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is dajiyaan, kana war sugaan xukuumaddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here