Cali Guudlaawe oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada HirShabelle + Sawirro

0

BELEDWEYNE (SMN) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta guddoomiyey kulanka guud ee golaha wasiirada maamulkaas.

Shirka golaha wasiirada ayaa si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga gaar ahaan sugida amniga iyo xasilinta magaalada Beledweyne iyo abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa wasiirka amniga gudaha ka dhageystay qorshe guud oo amniga lagu sugayo iyo halka ay marayaan howlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Sidoo kale, golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa isla soo hadal qaaday abaaraha ka jira deegaanadaas iyo sida ugu haboon ee xal loogu heli karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here