Cali Guudlaawe oo kulamo wadatashi ah ka wado Beledweyne + Sawirro

0

BELEDWEYNE (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne ku Xigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan la qaatay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka.

Cali Guudlaawe ayaa kulankaan warbixin uga dhageystay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmooyinka iyagoo ka warbixiyay xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay abaaraha baahsan ee ka jira Gobolka si gurmad deg deg ah loogu sameeyo deegaanada ugu daran ee abaaruhu ka jiraan.

Sidoo kale Madaxweynaha HirShabeelle ayaa balan qaaday in gurmad biyo dhaamin iyo gargaar la gaarsiin doono deegaanada iyo degmooyinka ay abaaraha ka jir

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray Maamulka Gobolka in si deg deg ah uga shaqeeyaan amniga iyo xasilinta Beledweyne si looga hortago kuwa geysanaya fallaka amni darro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here