Weerar khasaare geystay oo maanta ka dhacay magaalada Baraawe

0

BARAAWE (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo maanta lagu qaaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaafiicda ayaa la sheegay in qaarkood ay ku dhaceen xaafado ay dagan yihiin dad rayid ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 3 kale oo ka mid ah dadka deegaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana baaritaano kooban sameeyey ciidamada ammaanka ee ka howl-gala halkaasi.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli maanta Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee Koonfur Galbeed ay ka bilaabatay doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here