Jowhar – Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa mar kale loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Jowhar, halkaas oo uu ku helay 81 cod.
Musharrax Nuur Cilmi Calane ayaa helay 13 cod, halka tirada guud ee xildhibaannadii codeeyay ay ahayd 98. Afar cod ayaa xumaaday. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Cali Guudlaawe iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Hirshabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax, oo iyaguna maanta lagu doortay magaalada Jowhar.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoggaanka cusub u rajeeyay guul, isaga oo ku boorriyey inay si hufan uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda loo igmaday. Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada ee deegaannada Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey hannaanka doorashada lagu soo doortay hoggaanka cusub, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta dimuqraadiyeynta, dhismaha hay’adaha dowladnimada iyo ka-qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.




