Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Cabdifitaax Xasan Afrax, oo maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bogaadiyey xildhibaannada, guddoonka Golaha Wakiillada, musharraxiintii tartamay iyo shacabka Hirshabeelle, kuwaas oo uu ku ammaanay fahamka siyaasadeed, xilkasnimada, dulqaadka iyo wacyiga bulsho ee ay muujiyeen intii ay socdeen doorashooyinku.
Waxa uu sheegay in hab-dhaqankaasi uu ka tarjumayo horumarka geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xaqiijinta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Alle uga baryey hoggaanka cusub ee Hirshabeelle inuu ku guuleysto mas’uuliyadda loo igmaday, isla markaana uu deegaannada Hirshabeelle u horseedo nabad, midnimo iyo horumar.




