JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ka duulaya hirgelinta hannaan ku dhisan sharci iyo xeerar xoojiya awoodda Dowladda ayaa saxiixay Hindise sharciyeedyada kala ah:-
-Hindise Sharciyeedka Wado Marista.
-Hindise Sharciyeedka Xakameynta Hubka fudud.
-Hindise Sharciyeedka Diiwaan gelinta Hay’adaha aan dowliga ahayn.
-Miisaaniyad sanadeedka Dowladda Hirshabelle ee 2024-ka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale XEER kusoo saaray dhaqan-galka ansixinta degmooyinka kala ah:
-Gamboole
-Farlibaax
-Cali Gaduud
-Moqokori
-Raage ceelle
-Buq-aqable
-Xawaadley
-Buurweyn
Munaasabada saxiixa Hindise Sharciyeedyada iyo Xeerarka waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdi Xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Xubno ka tirsan Baarlamaanka, Golaha Wasiirada iyo Masuuliyiin kale.
-DHAMAAD-