Jubbaland oo qaylo dhaan kasoo saartay xaaladaha ka jira deegaanadeeda

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud oo la hadlay warbaabinta ayaa ka warbixiyay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan daadadKa ku dhuftay gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Cabdulqaadir Xaaji ayaa sheegay in Jubbaland ay ku dhufteen roobab daadad xoogan wata iyo fatahaado uu sameeyay wabiga Jubba ee mara deegaanada maamulkaasi.

Inta badan degmooyinka Jubbaland ayuu sheegay inay saameyn ku yeesheen daadadka iyo fatahaadaha, wuxuuna xaqiijiyay burbur xoogleh oo ay gaysteen daadadku.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda dhexe iyo hay’adaha samafalka inay gurmad bani’aadanimo oo deg deg ah lala soo gaaro shacabka ku dhibaateysan deegaanada Jubbalabd oo qaarkood kasoo barakacay deegaanada ay ka jiraan xaaladaha adag.

Jubbaland iyo dowladda dhexe ayaa horay digniino uga soo saaray roobabkan iyo cabsi laga qabo xaaladda El-nino, ayada si gaar ah loogu baaqay inay feejignaan muujiyaan dadka deggan hareeraha wabiyada, meelaha toogaga ah iyo dhulka u dhow xeebaha, si aysan waxyeeelo uga soo gaarin daadadka laga cabsi qabo inay ku dhuftaan qaybo kamid ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here