Cali Guudlaawe oo war kasoo saaray geerida wasiir Maxamed Axmed

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cli Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi u diray eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo Shacbiga Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Warfaafinta Hirshabelle sidoo kalana ahaa Mudane ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle Marxuum Maxamed Axmed Faarax Kolombo oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

-DHAMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here