DF Soomaaliya oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xayiray dalka Jabuuti

0

JABUUTI (SMN) – Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa xaqiijiyey in la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin lagu celiyey garoonka diyaaradaha ee wadanka Jabuuti.

Xaashi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay ka xun-tahay ku xad-gudubka xuquuqda musaafiriintaasi, iyada oo ku eedeysay Jabuuti inay jabisay shuruucda caalamiga ah ee socdaalka.

Halkan hoose ka aqriso:

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.

Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin wuxa uu ka qayb galayaa shirka Amniga Qaranka oo barri oo ay taariikhdu tahay 18-ka Sebteembar, 2021 lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here