Cali Xarbi Cali oo shaaciyey sababta uu u dilay xildhibaan David Amess

0

LODON (SMN) – Nin asal ahaan Soomaali ah, isla-markaana loo haysto dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka dalka UK, Sir David Amess, ayaa ka hadlay waxa ku dhaliyay falkaas.

Cali Xarbi Cali oo 26 jir ah ayaa sheegay inuu u dilay xildhibaanka sababo la xiriira inuu u codeeyay duqeynta Suuriya.

Sir David Amess oo laga soo doortay deegaanka Southend West ayaa toori lagu dilay 15-kii October 2021.

“Haddii ay ii muuqatay in falkaas uu khalad yahay, ma ba samayn lahayn,” ayuu yiri Cali oo beeniyay in falkaas uu ahaa argagixisannimo.

“Isaga iyo xildhibaanno kale ayaa u codeeyay xeer baarlamaan oo lagu dhibaateeyay Suuriya. Haddii aan ka hijroon waayay dhulkan, waxaan go’aansaday in aan si kale ugu gargaaro Muslimiinta,” ayuu ka hor sheegay xeer beegti kiiskiisa dhagaysanayso.

Mar la weydiiyay waxa dilka xildhibaanka ay xaaladda ka bedali karto, ayaa Cali waxa uu ku jawaabay “hadda ma uu coddeyn karoo o codkiisa kuma dhibi karo Muslimiinta, waana farriinta aan u dirayo saaxiibbadii.”

Eedeysanaha ayaa tilmaamay in arrinta kale ee uu u beegsaday xildhibaanka ay tahay xubinnimadiisa saaxiibbada Israa’iil ee xisbiga Conservative-ga.

Mar la weydiiyay inuu yahay Muslim xagjir ah, ayaa waxa uu ku jawaabay “waxaan ahay Muslim qunyar socod ah”.

Cali Xarbi ayaa maxkamadda u sheegay inuu rajeynayay in la dilo oo uu “noqdo shahiid” balse markii uu arkay in labada askari ee soo galay goobta uu xildhibaanka ku dilay aanay hubaysnayn, uu markaas go’aansaday inuu iska dhigo tooridda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here